Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka amniga Oo xiray waddooyinka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Isgoysyada xiran ayaa waxaa ka mid ah Sayidka, Dabka, Taleex, Tarabuunka, Zoobe, Banaadir, Danwadaagta, Exkoontarool Agooye iyo kuwa kale.

Ujeedada loo xiray waddooyinkan ayaa la xariirta munaasabad loogu dabaal dagayo aas-aaska ciidanka Asluubta oo maanta ka dhaceysa M/Muqdisho.

Madaxda ugu sarreysa DFS ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaaan munasaabadaasi oo lagu xusayo sanad guuradii 49-aad ee ciidankaasi.

Arrintan ayaa saameyn xoogan ku yeelatay dadka shacabka oo saaka maalaya cagahooda, si ay u gaaraan goobahooda shaqo ama waxbarasho.

The post Ciidanka amniga Oo xiray waddooyinka Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this