Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo dhaq dhaqaaqyo ka wada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarardheere (SMN) -Wararka naga soo gaaraya Galmudug ayaa ku warramayaa in saaka Al Shabaab dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee maamulkaasi.

Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa si aad ah looga dareemayaa koonfurta gobolka Mudug, sida ay xaqiijiyeen dad deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Dhanka kale  Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay ku dhawaad 20 Oday dhaqameen ku xiray agagaarka degmada Xarardheere ee G/ Mudug.

Odayaashan ayaa lagu eedeeyay in ay ka biyo diideen amar ka soo baxay Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan arrintaasi.

The post Al Shabaab Oo dhaq dhaqaaqyo ka wada Galmudug appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this