Sign in to follow this  
Deeq A.

Yariisow oo Daahir Calasow uga guuleystay kiiskii maxkamadda Amsterdam

Recommended Posts

Deeq A.   

Tel Aviv (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Injineer Yariisow ayaa ku guuleystay kiis dacwadeed oo u dhaxeeya isaga iyo weriye Daahir Calasow, oo ay haysay maxkamadda Amesterdam, si kastaba Daahir Calasow ayaa sheegay inuu racfaan kale u qaatay maxkamadda sare ee dalka Holland.

Yariisow aysoo saaray war-saxafaadeed uu kusoo dhoweynayo go’aanka maxkamadda, halka Daahir Calasow uu soo saaray war-saxaafadeed jawaab ah, oo uu ku sheegay inuu maxkamadda sare racfaan u qaadan doono. Hoos ka aqriso labada war-saxafadeed oo isku xiga.

War-saxaafadeedka Injineer Yariisow

Daahir Calasow oo Racfaan ka qaatay go’aankii ay horey Maxkamadda Amsterdam uga gaartay 14 September 2017kii , ayaa asbuucaan go’aamisay in Dahir Calasow uu Raalligelin buuxda ka bixiyo eedeymihii been abuurka ahaa ee uu sumcadda, sharafka iyo karaamada Eng. Yarisow uu meel uga dhacay.

Maxkamadda Racfaanka Amsterdam ayaa ku amartay Daahir Calasow inuu barihiisa bulshada, sida Facebook, Twitter, YouTube iyo website-yada uu maamulo uu ku soo bandhigo raali-gelin buuxda. Sidoo kale Daahir Calasow waxaa la faray inuu ka saaro qoraaladii iyo muuqaalladii uu sumcada iyo sharafka Yarisow meel uga dhacay, iyadoo la duldhigay ganaax haddii uu u hoggaansami waayo go’aanka Maxkamadad.

Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan soo dhoweynayaa go’aankii ay Maxkamadda Racfaanka magaalada Amsterdam ay ka soo saartay oo ay igu raacday in Daahir Calasow uu yahay shaqsi suxufinimo dadka ku baada, kuna dila sumcadooda, sharafkooda iyo karaamadooda. Go’aanka Maxkamada Racfaanka waa mid naga wada mudan soo dhoweyn oo shaqsiyaadka raba inay sumcada, sharafka iyo karaamada waxyeeleeyaan aan loo dulqaadan doonin, waxaa la soo dhaafay waqtigii uu shaqsigu waxa uu doono sameyn lahaa oo sharciga ayaa lala tiigsanayaa qofkii falalkan oo kale ku kaca.”

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sidoo kale yiri “Go’aankan Maxkamadda Racfaanka Amsterdam ayaa runtii na xasuusinaya muhiimada macluumaadka uu shaqsigu baahinayo ee uu dadka la wadaagayo ama dalka gudihiisa ama dibadiisaba.

Maxkamada ayaa sheegtay in Daahir Calasow uusan maxkamada horteeda keenin caddeymaha eedeymaha culculus ee uu qorayey, iyadoo markii uu Eng. Yarisow Maxkamadda horkeenay cadeymo ku filan lagu amray Daahir Calasow inuu goobihii uu ku qoray macluumaadkaas uu raaligelin buuxda ku soo daabaco.

DHAMMAAD

War-saxaafadeedka Daahir Calasow

Maxkamadda Racfaanka Amsterdam waxey riday xukun lagu tilmaami karo Poor Judgement – Xukun cadaaladda ka fog sida Waagii Dahabshiil xukunkii Maxkamadda Racfaanka Denbosch.

Waxaan arkay Cabdiraxman Yariisow oo ku faanaya Dahir Alasow ayaan dacwadii uga guuleeystay, taas waxey la mid tahay Faankii Cabdirashiid Dhiigshiil uu Tv-yadda la fadhiyay markii uu Maxkamaddii Racfaanka Denbosch iiga guuleeystay.

Cabdiraxman Yariisow waxaan leeyahay hambalyo inaad dacwadii Maxkamadda Amsterdam iiga guuleeysatay laakiin ogoow Appeal ayaan ka qaatay Xukunka liita ee Maxkamadaas ka soo baxay. Waxaan isla Aadeeynaa Supreme Court. Dacwaduna waa socon doontaa ilaa Maxkamadda sare ee Midowga Yurub.

Cabdirashiid Dhiigshiil markuu iiga guuleeystay Maxkamadda Racfaanka Denbosch wuxuu soo fariistay Tv-yadda isagoo faraxsan laakiin anniga maalintaan ka guuleeystay Tv ma fariisan, waxaan maqlaayey isagoo adkeeysan waayey oo oohin qol soo xirtay. Adigana maalintaada ayaan kula sugayaa, hadaad iiga adkaatid kuwa kalena waa ragganimo.

Ma jirto cid afka i qaban karto, waana sii wedi doonaa inaan shacabka la wadaago dhamaan tacadiyada aad geeysatay, gabdhaha ooynaayo ee leh waxaa i uureeyay Yariisow, waa ku qasbanahay inaan codkooda baahiyo, haddii xitaa toogasho la igu xukumo.

Waa ku qasbanahay inaan fuliyo dhamaan xukunka liita ee Maxkamadda Amsterdam ka soo baxay laakiin taas micnaheedu maaha inaad afka i qabatay iyo iney wax ka bedeli karaan qadiyadeeyda inaan u dooda kuwa aan codka laheyn.

By Dahir Alasow

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this