Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabadoon ku baaqay in loo midoobo damaca Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye, Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan oo maanta ka qeyb galayay Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay ee ka baxa Idaacadda Shabelle ayaa cod dheer ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta aragti ahaan ka soo horjeeda dowladda Somalia in meel looga soo wada jeesto damaca qaawan ee Kenya oo ay ku dooneyso in ay ku boobto Biyaha Somalia.

Waxa uu xusay Nabadoonku in haddii dadka Soomaaliyeed dhammaan ay garab istaagaan dowladooda aysan Kenya iyo cid kale oo dowladaha Caalamka ah midna soo hunguriyeen Karin Kheyradka dalka.

Nadoonka ayaa dalbaday in dhammaan qeybaha Bulshada Soomaaliyeed ay meel ku tuuraan Tafararaaruqa dhexdooda ah si loogu istaago difaaca dalka.

Wixii ka dambeeyay Go’aankii Kenya ay ku sheegatay Biyaha dalkeena Hooyo ee Somalia waxaa isi soo tarayay Fal celinta qeybaha Bulshada Soomaaliyeed  kuwaas oo  dareen Caro leh ka muujiyay damac dheeriga Kenya ay ku dooneyso qeybo muhiim oo badda Somalia ka tirsan.

The post Nabadoon ku baaqay in loo midoobo damaca Kenya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this