Deeq A. Posted February 22, 2019 New York (SMN) – Hay’addaha nabad-gelyada wadanka Mareykanka ayaa xiray muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi Yuusuf Xasan. Cabdi oo sidoo kale haysta dhalashada Mareykanka ayaa loo haystaa in uu ka qayb-qaatay afduub sadex sano loogu geystay gudaha Soomaaliya wariye madax banaan. Saxafiga oo lagu qafaashay magaalada Galkacayo sanadkii 2012-kii ayaa dib u helay xorriyadiisa bishii September ee 2014-kii. Sida laga soo xigtay dacwad-oogayasha, Cabdi ayaa si toos ah ula hadlay qoyska wariyaha isaga oo waydiiyay 20 milyan oo madax furasho. Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in maxkamadeynta muwaadinkaasi Soomaaliyeed ay ka bilaabato maxkamada heer Federaal ee magaalada New York. Cabdi Yuusuf oo ku dhashay magaalada Muqdisho ayaa laga soo xiray gobolka Minneapolis, isaga oo loosoo wareejinayo caasimada Mareykanka si halkaasi maxkamadeyntiisu uga bilaabato. The post Nin Soomaali-Mareykan ah oo la maxkamadeynayo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites