Deeq A. Posted February 22, 2019 Bujumbura (SMN) – Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka dalka Burundi ayaa kulan ka yeeshay qorshaha ciidmada wadankaasi ee qaybta ka ah AMISOM looga saarayo gudaha Soomaaliya. Xildhibaanada Burundi ayaa ka dalbaday gudiga nabada iyo amaanka Midowga Africa in ay dib u eegis ku sameeyaan go’aankaasi. Reverien Ndikuriyo, gudoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Burundi ayaa sheegay in loo baahanyahay in dalalka ay ciidamada ka jooga Soomaaliya ay soo faragaliyaan sida loo meel mariyay arrintaan. Wasiirka difaaca dowlada Burundi oo ka hadlay kulanka mudanayaasha ayaa tilmaamay in ay wakiilo u direen AU-da si ay u dardar-geliyaan rabitaankooda. Sarakaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi ee Soomaaliya oo aan la shaacin magaciisa ayaa xaqiijiyay in Khamiisti ku dhawaad 200 oo askari oo u dhashay dalkaasi ay u duuleen caasimada Bujumbura ee dalka Burundi. Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurnziza uu sheegay in aysan ku qanacsaneen qorshaha ciidamada dalkiisa looga saarayo Somalia, isaga shir degdeg ugu baaqay dalalka ciidamada ku taageeray AMISOM. The post B/Burundi oo dhaliilay in ciidamadooda laga saaro Somalia appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites