Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS oo si kulul uga hadashay Soomaali lagu dilay K/Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika.

Dilka ganacsatada ayaa waxaa geystay burcad Koonfur Afrikaan oo ku weeraray mehrado ay ku lahaayeen duleedka magaalada caasimada ah ee Pretoria.

Wasiirka Ganacsiga XFS, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], ayaa ugu horeyn tacsi udiray ehelada iyo asxaabta ay ka baxeen ganacsatadaasi.

Maareeye ayaa shaaciyay in dowladdu ay dhowaan muujin doonto dareenkeeda, isla markaana jawaab ka bixin doonto dhacdadaasi.

Waxa uu si adag u cambaareeyay dhibaatada dadka Soomaaliyeed ay u geystaan burcada Koonfur Afrikaanka oo mudooyinkii dambe korodhay.

Illaa iyo saddex ganacsato Soomaaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay caasimada Koonfur Afrika, iyada oo weerarkaasi lagu dhaawacay mid kale.

The post XFS oo si kulul uga hadashay Soomaali lagu dilay K/Afrika appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this