Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalada beni’aadanimo ee Somaliland oo laga deyriyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Oslo (SMN) – Warbixin kasoo baxday hay’adda NRC ayaa looga deyriyay xaalada beni’aadanimo ee ka jirta degaanada maamulka Somaliland oo dhaca waqoyga Soomaaliya.

Sida ku cad warka ay soo saartay hay’addaan fadhigeedu yahay Norway, xaalada ayaa kasoo dartay markii la waayey roobabkii la filayey sanadkaan kadib abaaro dhacay.

Biyo yari, Gaajo iyo macluul daran ayey hay’addu tilmaamtay in ay haysto dadka ku nool qaybo kamid ah degaanada maamulkaasi.

Victor Moses, wakiilka NRC ee Soomaaliya, ayaa tibaaxay in dadkaasi ay ubaahan yihiin gurmad deg deg ah si nolashooda oo badbaadiyo.

Wakiilka ayaa intaas ku daray in gobolada ay sida ba’an uga jirto xaaladaasi adag uu ku jiro Sool, si gaar ah tuulada Tukaraq oo ay dagaalameen Puntland iyo Somailand.

Hadalka hay’adda ayaa imaanaya iyada oo dowlada dhexe ee Soomaaliya ay bishii hore dalbatay 1.8 milyan oo dollar si looga jawaabo xaaladaha beni’aadanimo ee ka jira guud ahaan wadanka.

The post Xaalada beni’aadanimo ee Somaliland oo laga deyriyay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this