Dalmar1 Posted February 22, 2019 Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawadoo caawa khadka taleefanka kula hadlay qaar ka mida Diblomaasiyiinta reer Galbeedka ee u fadhida Soomaaliya oo wado da’daalo lagu xakameynayo colaada siyaasadeed ee soo kala dhexgashay labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada Kenya ay ku qaldan tahay talaabada ay qaaday sadaxdii maalin ee la soo dhaafay. Wasiirka ayaa dhanka kale eed dusha kala kordhacay RW Kheyre waxa uu yiri “waxaa iska cad in Xassan Cali Kheyre uu heshiis hoose uu la galay dowlada Kenya ama uu balan uu u sameeyay laakiin aanan shacabka Soomaaliyeed iyo aniga oo wasiirkii ah aanan war u haynin”. Waxa uu intaas ku daray “ilaa iyo hadda RW Kheyre uma uusan sheegin aniga iyo guud ahaanba golaha Wasiirada arimihii uu kala soo hadlay MW Uhuru, sidee baan xal u keeni karaa hadii aananba war u haynin arimihii labad dhibac ka wada hadleen”. Waxaan shaki ku jirin in hadalka wasiirka uu sii adkeyn doono in Dowlada Soomaaliya qaadato argati mideysan oo ku aadan xaalada cakiran ee u dhaxeeyso labada dowladood. Quote Share this post Link to post Share on other sites
cadnaan1 Posted February 22, 2019 This picture was taken just 2 weeks ago in mandera Kenya wasiirka ha la weydiiyo muxuu ahaa heshiiskan uu saxiixay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Old_Observer Posted February 27, 2019 Seems another government where Somali people are counting its days left already. Quote Share this post Link to post Share on other sites