Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo xabsiga dhigay oday dhaqaameedyo ay balanta kaga baxeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al Shabaab ay xabsiga dhigeen oday dhaqameedyo ku sugan gobolka oo ay balanta uga baxeen.

Al Shabaab ayaa odayaashan xabsiga dhigay kadib markii la sheegay inay ka biyo diideen hadal kasoo baxay saraakiisha Al Shabaab ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Galgaduud.

Odayaasha xabsiga la dhigay ayaa gaaraya 18 oday dhaqameed, waxaana lagu xiray deegaanka Warshubo ee duleedka degmada Xarardeere, sida dadka deegaanka ay saxaafadda u sheegeen

Wararka ayaa sheegaya in dhamaan odayaasha ay ka horjeesteen inay keenaan caruur ka mid noqota dagaalyahanada Al Shabaab, iyadoo kadib la amray in xabsiga deegaanka Warshubo la dhigo.

Odayaasha ayaa sheegay in AlShabaab sanad ka hor ay ka kaxeysteen dhalinyaro loo balan qaaday in sanad kadib dib loogu soo celin doono, balse waxaa dhacday inaan loosoo celin, taasi oo keentay inay diidaan dhalinyaro kale.

Waxaana taasi ay dhalisay in odayaasha ay ka baqaan in markale balanta looga baxo, kadib waxay diideen amarka looga dalbanayo inay dagaalyahano kale keenaan.

Al Shabaab ayaa sanadkii las dhaafay odayaashii ugu badnaa ku xerxeray deegaanada gobolka Galgaduud, iyaga oo doonaya inay dagaalyahano u keenaan.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this