Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamo cusub oo la wareegay amniga degmooyinka gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ciidamo cusub oo boolis ah geeyeen Saldhigyada degmooyinka Gobolkan Banaadir.

Ciidamadaas ayaa waxaa ay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga degmooyinka Gobolka Banaadir, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamadaan Booliska ah ayaa dhawaan soo dhameystay tababar lagu siiyay Dugsiga tababarada Janeraal Kaahiye ee Magalada Muqdisho, waxaana saldhigyadii ugu horeeyay ee la geeyay ka mid ah degmooyinka Wadajir iyo Kaaraan ee Magalada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Cabdi Fitaax Xaaji Nuur ayaa sheegay in Ciidamadaas ay ka maamul ahaan garab taagan yihiin, waxaana uu ugu mahada celiyay Madaxda Dowladda Federaalka oo uu sheegay inay ciidanka kusoo biiriyeen dhalinyaro wax baratay.

Waxa uu ciidamadaas kula dardaarmay inay siweyn uga qeyb qataan sugida amniga, waxaana uu rajo wanagsan ka muujiyay inay wax weyn ka bedeli doonaan amniga degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Wadajir  Cumar Cabdullaahi ayaa isna soo dhaweeyay ciidamadaas booliska ah ee la geeyay degmada Wadajir, waxaana uu ka dalbaday inay dhankooda qeyb weyn ka qaataan sugida amniga degmada Wadajir.

Degmooyinka kale ee Gobolkan Banaadir ayaa si lamid ah waxaa la qorsheeyay in la geeyo Ciidamadaas, waxaana xusid mudan in degmooyinka Gobolkan Banaadir ay mar walba ka dhacaan falal isugu jira qarax,  dil iyo waxyaabo  kale oo lidi ku ah amniga, hayeeshee aan la ogeyn waxa ay ka bedeli karaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha degmada Kaaraan

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/cod-1-gudoomiyaha-degmada-karaan-.mp3

2-22.jpg 1-23.jpg0S9A9421.jpg3-18.jpg 4-16.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this