Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo cunaqabateyn ugu hanjabtay Soomaaliya, Raali-gelina ka dalbaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Kenya oo cunaqabateyn ugu hanjabtay Soomaaliya, raali-gelin-na ka dalbaday

 

uhuru-1.jpg

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa shaaca ka qaadday inaysan waxba iska beddeli mowqifka Kenya ee ku aaddan “muranka xuduudda badda” ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Hadalkeeda ayaa yimid maanta kadib markii madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta uu guddoomiyey shir golaha wasiirada dalkaas ay yeesheen oo la isku raacay tallaabooyin ay tahay in la qaado, si loo xaliyo xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya, islamarkaana loo ilaaliyo dhulka Kenya.

Monica Juma ayaa sheegtay in ficillada dowladda Soomaaliya ee “dhulka la isku haysto” ay yihiin kuwa aan wanaagsaneyn.

Juma ayaa tidhi “In inkasta oo dowladda Soomaaliya ay soo saartay bayaan ay ku diiday eedeymaha Kenya, haddana way caddahay inaysan beenin jiritaanka khariirad muujineysa in xidhmooyinka shidaal ee la xaraashay ay yihiin kuwa Kenya.”

Juma waxay ku dooday in kiiska hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ eek u saabsan dhul-badeedka labada dal ay isku hayaan, ay Soomaaliya ku sheegtay inay ilaalineyso xuduudaheeda, taasina ay caddeyn u tahay in Soomaaliya aysan aqoonsaneyn xuduudda ay Kenya dooneyso.

“Xitaa hal mitir oo dhul ay Kenya keedahay ugama tagi doonno dowlad kale” ayey tidhi Monica Juma.

Juma ayaa sheegtay in Kenya ay weli Soomaaliya ka sugeyso jawaab faah-faahsan oo ku saabsan arrimaha Kenya ay ka walaacsan tahay, islamarkaana Kenya ay isku dayeyso inay is-xakameyso oo ay ka bad-badin.

“Dalalka dunida waxay go’aanno ka adag kuwii aan qaadannay u qaateen wax ka yar arrimaha aan ka walaacsannahay” ayay tiri.

Ayada oo warbaahinta caawa kula hadleysay Nairobi ayay sheegtay inay jiri karto cunaqabateyn Kenya ay saarto Soomaaliya, taasi oo ku xidhnaan doonta jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixiso “xuduudda lagu muransan yahay”

Waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka doonayaan in sharaxaadda ay siineyso Kenya ay qeyb ka ahaato raali-gelin ay siiso Kenya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this