Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan AMISOM oo ka duulay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Tiradii ugu horeysay ee ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM ayaa Khamiistii ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyaga oo dib ugu laabtay wadankooda.

Sarkaal qariyay magaciisa oo ka tirsan howlgalka midowga Afrika ayaa u sheegay warbaahinta in bixitaanka askartaasi oo gaaraya 200 ay horudhac u yihiin Kun askar oo la filayo in ay Burundi kala baxdo dalka.

Horaantii todobaadkaan ayey ahayd markii Madaxwaynaha Burundi ee Pierre Nkurnziza uu muujiyay in aanu ku qanac-saneen talaabadaan isaga oo sheegay in ay luminayaan dhaqaalo badan.

Midowga Africa ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in 21, 500 oo ah ciidamada ka jooga Soomaaliya ay la bixi doonaan sanadka 2020, kuwaasi oo ka kala socda wadamada xoogagooda ku taageeray AMISOM.

The post Askar ka tirsan AMISOM oo ka duulay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this