Deeq A. Posted February 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Taliyaha guutada 4aad ee ciidamada xooga Soomaaliya ayaa ka digay in ciidamada AMISOM laga saaro gobolka Shabeellaha Dhexe ee koonfurta wadanka. Col Cali Xaanshi oo u waramay Shabelle ayaa shaaciyey in xoogaga shisheeye aanan looga maarmin dagaalka gobolka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolkaasi Taliyaha ayaa intaasi ku daraya in aanan wali la diyaarin ciidamadii la wareegi lahaa ama buuxin lahaa goobaha ay banaayaan ciidamada nabad-ilaalinta u jooga dalka. Waxa oo soo jeediyay in aanu lagu deg degin talaabadaan, isla markaana laga yeesho qorshe aad looga fekeray. Howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM ayaa bilaabay ka dhimista ciidamada, iyada oo Khamiistii ay Muqdisho ka duuleen 200 askari oo ka tirsan ciidamada Burundi. The post Cali Xaashi: “Lama diyaarin ciidan bedala kuwa AMISOM” appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites