Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Xaashi: “Lama diyaarin ciidan bedala kuwa AMISOM”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Taliyaha guutada 4aad ee ciidamada xooga Soomaaliya ayaa ka digay in ciidamada AMISOM laga saaro gobolka Shabeellaha Dhexe ee koonfurta wadanka.

Col Cali Xaanshi oo u waramay  Shabelle ayaa shaaciyey in xoogaga shisheeye aanan looga maarmin dagaalka gobolka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolkaasi

Taliyaha ayaa intaasi ku daraya in aanan wali la diyaarin ciidamadii la wareegi lahaa ama buuxin lahaa goobaha ay banaayaan ciidamada nabad-ilaalinta u jooga dalka.

Waxa oo soo jeediyay in aanu lagu deg degin talaabadaan, isla markaana laga yeesho qorshe aad looga fekeray.

Howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM ayaa bilaabay ka dhimista ciidamada, iyada oo Khamiistii ay Muqdisho ka duuleen 200 askari oo ka tirsan ciidamada Burundi.

The post Cali Xaashi: “Lama diyaarin ciidan bedala kuwa AMISOM” appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this