Deeq A. Posted February 22, 2019 Cadaado (SMN) – Hay’addaha amaanka ee Galmudug ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin dil ka geystay magaalada Cadaado. Mas’uuliyiinta ayaa tibaaxay in shaqsiga ay ku sameyn doonaan baaris isla markaana uu wajihi doono cadaalada. Ruuxa la qabtay ayaa la sheegay in uu shalay weeraray xarun dhaqan celiyo, halkaasi oo uu ku dilay hal qof, mid kelana uu dhaawacay. Marxuumka ayaa la sheegay in uu ahaa maamulihii xaruntaasi, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Macalin Cabdifitaax. Ninka lasoo wariyay in uu dilka geystay ayaa lagu waramayaa in uu maalmo kahor laga fasaxay xaruntaasi, iyada oo aana la ogeyn sababta ku kaliftay arrintaan. Waa markii ugu horeysay weerar noocaan ah oo ka dhoco magaalada Cadaado, iyada oo shacabka ay arrintaan hadal-hayaan. The post Galmudug oo qabatay nin dil ka geystay Cadaado appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites