Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabeelle: Xildhibaano ay lacag ka maqan tahay oo la qancinayo (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay xiisadii siyaasadeed ee u dhaxeysay xildhibaanada baarlamaanka iyo guddoonka baarlamaanka.

Guddoomiye Sheikh Cusmaan Barre Maxamed oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay inay xaliyeen dhamaan tabashooyinka ay qabeen xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay in kulamo ay wada qaateen guddoonka baarlamaanka maamulka Hirshabeelle iyo xildhibaanadii tabashooyinka qabay, islamarkaana wax badan ay isla garteen.

Xildhibaanada ayaa ka cabanayay dhaqaalo badan oo mushaar ahaan kaga maqan, waxaana uu cadeeyay in hadda arimahaasi la xaliyay, sida uu hadalka u dhigay.

“Arimaha baarlamaanka si guud ayaa loo xaliyay, wax khilaaf ah oo hadda ka dhex jira baarlamaanka iyo xukuumadda ma jiraan, siyaasadda sideedaba waa la isku qabtaa, laakiin waxaa muhiimadda tahay in hal meel la iskuugu wada yimaado, arimihii jirayna waa la xaliyay”ayuu yiri guddoomiye Cusmaan Barre.

Qaar kamid ah wasiiradii dhawaan xilalka laga qaaday ayaa wali waxaa kamaqan mushaaraadka ku dhawaad 10 bilood, waxaana la ogeyn halka ay ku baxeyn dhaqaalihii loo qorsheyn jiray maamulka Hirshabeelle.

Caasimada Online
Xafiiska Sh.Dhexe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this