Deeq A. Posted February 22, 2019 Markan maqlay Kenya aya xiriirka ujartay somalia arima laxiriira xaduud badeed labada dal ay isku haystaan aya waxanan layaabin sababta dad fara badan ay ugu falceliyaan. Africa waxa lagu qeebsaday shirkii berlin (berlin conference – 1884). Qeybsigaas aya sababay in dad wada dagan, wada dhashay lakala jara oo xaduud loo sammeya. Marka xurnimada laqaatayna xaduudkii gumeystaha kala dhax dhigay dadka aya horay looga sii socday oo sababtay markii dambe dagaal dhiig badan kutaata. Taariiqda Dagaal xaduudeedka Geeska Africa Ethiopia iyo somalia xaduud dagaal aya marar badan dhax maray, haba ugu darnaado kii 1977. Waxa kudhintay labada dhinacba dad fara badan, waxa kudhaawacmay kuwa kale oo kasi badan, waxa kuburburay hanti farabadan. Djabouti iyo Eritrea waxay in badan isku haysteen ilaa hadana wali madaxa iskulu jiraan muran xaduudeed udhaxeeyay labada dal. Waxay galeen dagaal, waxa ku dhintay askar badan, ayada oo qaarkod ilaa mardhow lakala haystay. Ethiopia ito Eritrea waxay in muda ah isku horfadhiyeen xaduud udhaxeysa labadaas dal, waxa ugu baxay qarash badan, waxayna 1992 ilaa mardhow loo celiya Eritrea dhulkaas maalin walba waxa ka jiray dhibaato ba’an oo u dhaxeeya labada wadan ama dad. Kenya iyo somalia waxa udhaxeyay cuqdad duleed oo ah gobolka hada Kenya ay utaqaana Wuqooyi galbeed (North Eastern) oo ah halka dadka somalida ah dagaan aya waxa la’aaminsanyahay inuu ahaa dhul somaaliyeed oo dad somali ah daganyihiin. Inkasta oo wali dagaal uusan kadicin isku qabsasha xaduudeed halkan lakin wali Somali badan aya aaminsan in xidigooda shanad kubeeganyahay Gobolkan (NFD). Uganda iyo Kenya waxa ka dhaxeeya dood xaduudeed xaga lahaanshaha biya Lake-Victoria. Inkasta oo wali dagaal uusan kadhax qarxin laakiin mowjada colaadeed aya marwalba halkaas laga tumaa. Waxa nasiib dara ah in wadan Democradiyad sheegta horayna uhaystay dhul iyo dad somaliyeed, ayada oo lajooga qarnigii 21 isku dayaya inay hadana bad hor leh qaataan. Waxa nasiib dara noqon doonta hadana in dagaal daba dheeraada uu halkas mustaqbalka kadhaca, lakiin qeyraadkaasna lasoo saara, lagana macaasha, ayada oo afrikaanka isku mashquul sanyihiin, dhimanayaan labada dhinacba sida hada haysata South Sudanese ka. Waxan filaayaa in Damaca Kenya ugu jira inay hesho ama dhacsato dhul-badeed ay leedahay Somalia ay kuhungoobi doonto sida hada kamuuqada natiijada maxkamada (ICJ) oo lasaa daalinaayo in somalia ay kuguuleysata hadii si cadaalad ah loo qaado maadaama dunida cadaaladba kajirin. kuwa shalay kala qeybiyay Africa manta hadana loo kala gar-dhiganaaya ama loo suuqgeynaaya kheyraadka xal uma’ahan Gesska Africa. Maxa xal ah? Xalka wuxu kujiraa in dadka, siyaasiyiinta, wax garadka iyo dhaman bulshada geeska Africa inay fahman inay si nabad ah uwada noolaan karaan. Dunida hada xaduud waalaga tagay, meelaha xaduudaha waxa loobadalay goob labada dhinacba si free ah isku maraan dadka, ganacsiga. Sida European Union ka camal. Marka waa in wax garadka kufikiraa sidii hormar loo sameen lahaa, iskaashi dhaqaale, mashaariic hormarineed sida Airports, bus station iyo maqaaxiya looga sameen lahaa xaduudaha. In xaduudka uu noqdo meel labada dalba kamacaashaan. Qore: Mahad Wayah Mahadhassan045@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites