Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka oo furashadii muslimiinta ee Andalus ku tilmaamay gumeysi

Recommended Posts

Deeq A.   

Dubai (Caasimadda Online) – Daaxi khalfaan oo ah taliye ku xigeenka ciidanka booliska Imaarada Dubai ayaa sheegay hadal ay si weyn ula yaabeen dadka Muslimiinta ah ee ku nool daafaha adduunka.

Mas’uulkaan ayaa furashadii Muslimiinta ee Dhulka Andalus ku tilmaamay inay aheyd gumeysi sida uu hadalka u dhigay.

Daaxi khalfaan oo ah nin awood weyn ku leh dowladda Imaaraadka Carabta isla markaasna xilal kala duwan soo qabtay ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay qoraal carro xooggan ka dhex abuurtay Muslimiinta.

Qoraalka mas’uulkan imaaraatiga ah ayaa uqornaa sidaan

“Muslimiintu muddo sideed qarni ah ayay gumeysanayeen dhulka Andalus waa taas Andalus usoo laabatay dadkeedii, sabra awood walba waa zuuli doontaa waqtiguba ha dheeraadee”.

Screen-Shot-2019-02-21-at-8.43.30-PM.png

Hadalkaas ayaa dood badan ka dhex dhaliyey Baraha Bulshada waxayna dadka intooda badan hadalkaas ku tilmaameyn inuu yahay mid ay ka muuqatay doqonimo iyo isla weynin.

Qof Twittierka kusoo galo Misri ayaa sidaan ugu soo jawaabay

“haddii futuuxaadkii muslimiinta ee andalus aad gummeysi ku tilmaamtay waxay ka dhigantahay in aad ixtilaal utaqaan furashadii muslimiinta ee Makka Al Mukarrama..Bilaadul Faaris iyo dhammaan furashooyinkii islaamiga ahaa”.

Mid kamida dadkii tacliiqa ka dhiibtay hadalka taliye ku xigeenka booliska imaarada duba ayaa si kooban u yiri “waxaan umalaynayaa in booqashadii Baadariga Faatikaanka Boob Faransiis ayaa maskaxda kaa tirtitay”.

isbuuc ka hor ayay dowladda imaaraatka marti gelisay shir ay ugu magac dartay walaaleynta bani’aadanimada shirkaas oo si cad loogu sheegay in kaniisadda iyo masjidka ay isku mid yihiin.

Shirkaas kadib ayaa waxaa  magaalada Abu Dubai layska hareer dhisay masjid loogu magac daray Al- Imaamul Akbar oo loola jeedo hoggaamiyaha jaamacadda azahar iyo kaniisad loogu magac daray saanta maariyo oo udhigan baadariga kaatooligga Faransiiska.

Madaxda dowladda Imaaraadka Carabta ayaa inta badan soo gudbiyo hadalo dhaliyo muran diimeed, waxaana dowladaas lagu eedeeyaa inay ka shaqeyso danaha dowladaha aan Islaamka aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
Caasimad@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this