Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo 3 Qodob Hor Dhigtay Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka soo laabtay socdaal uu ku tagay dalka Isu-tagga Imaaraadka Caratbta oo aan ujeedadiisa la shaacin. Madaxweyne xigeenka ayaa kulamo la qaatay masuuliyiinta shirkadda maamusha dekedda Berbera ee DP World.

imarad.jpg

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay safarka madaxweyne xigeenka iyo arrimaha ay ka wada hadleen madaxda uu la kulmay laakiin, warar xogogaal ah oo wargeyska Waaberi ka helay socdaalka mudane Cabdiraxmaan Saylici ayaa xaqiijiyay in uu farriin ka siday xukuumadda madaxweyne Biixi taas oo nuxurkeedu ahaa fahan la’aan ka taaggan waxyaabaha Somaliland ka faa’iidayso heshiiska dekedda Berbera iyo Saldhigga Militari ee Imaaraadka laga siiyay Berbera.
Xogaha ayaa sheegaya in aanay madaxtooyada Somaliland hayn raadraaca geeddi socodkii ay soo mareen heshiisyada xukuumaddii Siilaanyo iyo Imaaraadka, isamarkaana aanay gacanta ugu jirin nuqullada rasmiga ah ee faahfaahinaya dheefaha labada dhinac ugu kala jira heshiisyada, sidaas awgeedna madaxweyne xigeenku sharraxaadaha arrimahan kala hadlay madaxda uu la kulmay ee Imaaraadka.

Wasiirka maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa dhawaan daboolka ka qaaday in aanay Somaliland wax kiro ah ka qaadan Saldhigga Militari ee Imaaraadka. Madaxweyne Biixi ayaa hore telefishanka Universal ugu sheegay in Saldhigga la kireeyay. Wasiir Sacad oo mar kale la waydiiyay hadalladooda is khilaafsan wuxuu sheegay in laga yaabo madaxweynaha oo aan xog buuxda arrinta Saldhigga ka hayn hadalka sheegay.

Wararka la xidhiidhka socdaalka madaxweyne xigeenka Somaliland ayaa intaas ku daray in madaxweyne Biixi saluugsan yahay waxyaabaha Somaliland ka faa’iidaysay heshiisyada oo aan wali fulin sida: balaadhinta dekedda iyo dhisamaha jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale.

Geesta kale waxa ay xogo intaas ku dareen in Madaxweyne xigeenku gaadhsiiyay Imaaraadka dhawr qodob oo aan heshiiskii ku jirin oo Somaliland ka doonayso dawladda Imaaraadka kuwaas oo kala ah:-

1- In Imaaraadku kabo dakhliga xukuumadda Somaliland, in uu ka caawiyo kobcinta dhaqaalaha, iyo in Baanan Imaaraad ah laga furo Somaliland, laguna xidho ka Somaliland.

2-In ay ka caawiyaan xoojinta adeegyada dhakhtarada iyo caafimaadka Somaliland

3- In Imaaraadku safka hore ka galo u ololaynta qaddiyadda Somaliland.

Dhinaca kale masuuliyiinta shirkadda Dp World ayaa la sheegay in Somaliland ku canaanatay in aanay ka soo bixin qodobo hore oo ay dalbatay in ay soo darsayso, islamarkaana waxa weftiga madaxweyne xigeenka la siiyay qoraalladii hore loogu heshiiyay oo la sheegay in aanay nuqulladooda indhaba saarin xukuumadda madaxweyne Biixi lana rumaysan yahay in ay xukuumaddii hore haysay iyada oo laga yaabo in wasiir Sacad iyo danjire Baashe Cawil wakiilkii Imaaraadku hayaan laakiin, aanu madaxweynuhu hore u hayn waxaana weftiga madaxweyne xigeenka laga sugaya in ay dib u dheehdaan geeddi socodkii uu soo maray wada xaajoodku kadibna dhan walba waxa qabyo ka ah iyo waxa xaq loogu leeyahay la isla fahmo.

Dadka ka agdhaw kulamada madaxweyne xigeenka iyo shirkadda ayaa sheegay in ay Dp World ka cago jiidayso dhismaha jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale oo laga yaabo in ay ku baxayso lacag ka badan tan ku baxaysa balaadhinta dekedda Berbera maaddaama ay tahay waddo si casri ah loo dhisayo oo yeelanaysa biriijyo iyo buundooyin casri ah.

Bulshada Somaliland ayaa si weyn isu waydiinaysa muddo kadib waxa ay Somaliland ka faa’iiday Imaaraadka Carabta iyo xulufada Sucuudiga. Waxa si weyn la isu waydiinaya sababta Imaaraadku u taageeri waayay qaddiyadda Somaliland siiba basaboorka Somaliland la hadal hayay in ay ogolaanayaan. Waxa kale oo dhawaan wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed sheegay in ay warqado lagu xasho oo dadka Somaliland ku tagaan Xajka laga waayay Sucuudiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this