Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Safiir ku-xigeenka Denmark U Fadhida Dalka Kenya.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku-siamaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiir ku-xigeen dawladda Denmark u fadhida dalka Kenya Ms. Nina Berg oo socdaal ku timi Jamhuuriyadda Somaliland.

52558941_2044300532350456_78307824150092

Kulankaasi ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka u dhaxeeya labada dal ee Denmark iyo Somaliland iyo dardargelinta kaalmada ay dawladda Denmark kaga qayb-qaadato mashaariicda horumarineed ee Jamhuuriyadda Somaliland ka socda.

Kulankan, ayaa waxa madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinayey wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad buuxa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this