Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka Oo Maraykanka Ugu Hanbajay Hub Cusub Oo Uu Samaystay.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Mossoco) Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo soo jeediyey khudbadiisii sanadlaha ayaa si adag uga hadlay ka bixitaanka uu Maraykanka ka baxay heshiiskii ay labada dal wada saxiixdeen 1987dii ee INF oo lagu xakameenayey hubka gantaalada yaala dalalka Yurub.

70260655-0981-43B8-AC7A-F30FE837D343.jpe

Heshiiskan INF ayaa ka xakameenayey Maraykanka iyo Ruushka inay hawlgeliyaan gantaalada kuwooda ridada dhexe ee Maraykanka Yurub dhigay iyo kuwa Ruushka kusoo jeediyey wadamada Yurub.

Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa horey u sheegay in Ruushka uu jabiyey heshiiskaasi isla markaana soo saaray hub cusub oo ah nooca gantaaladii horey loo mamnuucay.

Putin ayaa sheegay in hadii Maraykanka uu dalalka uu xulafada la yahay ee Galbeedka Yurub uu keeno gantaalo cusub, inay iyaguna gantaalo cusub oo casri ku sii jeedin doonaan dhamaan goobaha Maraykanka uu saldhiga ka dhigto.

Hogaamiyaha Ruushka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay ku guuleysteen dhameystirka hub badan oo casri ah kuwo kale oo badana ay marayaan heer gebo gebo ah.

Waxaana kamid ah hubkaasi Ruushka sameystay gantaalada cusub ee Nukliyeerka ee qaaradaha isaga gudba (Sarmat), kuwa jawiga hoose ku duula iyo kuwa loo adeegsado badda ee loo yaqaan Boseydon (Poseidon).

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this