Sign in to follow this  
Deeq A.

Raa’iisal Wasaare Kheyre Oo Soo Xiray Shirweynaha Qaran Ee Dib U Heshiisiinta Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)- Shirweynaha qaran ee dhab u heshiisiinta oo uu daah furay gudoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay socday ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirweynaha ayaa oo uu soo xiray ra’iisal wasaare Kheyre ayaa waxaa lagu soo bandhigay nuqulka 1aad ee Hannaanka Dhab-u-heshiinta qaranka waxaana kasoo qayb galay ergo matalaysey dadka Soomaaliyeed oo ka kala yimid Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka banaadir iyo marti-sharaf ka kala socday qaybaha bulshada.

Wasaarada arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta oo shirkaasi qabatay ayaa gabagabada shirka soo saartay baaqyo kala duwan oo ku saabsan dib u heshiisiinta,kuwaas oo ku socday dowlada Soomaaliya.

Laga soo bilaabo bartamihii sanadkii 2017, waxay Wasaaraddu qabatay Shirweyne Qaran iyo wadatashiyo lala yeeshay dadka Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan oo lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Dhusamareb, Jowhar iyo Baydhabo oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 1400 oo qof oo kale socday qeybaha kala duwan ee bulshada iyo laamaha iyo hay’adaha dowlada heer federal iyo heer maamul goboleed.

The post Raa’iisal Wasaare Kheyre Oo Soo Xiray Shirweynaha Qaran Ee Dib U Heshiisiinta Dalka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this