Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid kamid ah wasaaradaha Puntland oo magaca laga beddelay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland ,Siciid Cabdullaahi Den ayaa magaca ka beddelay, wasaaraddii Degaanka iyo Isbeddelka cimilada ee Puntland.

Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in magacii wasaaradda loo beddelay, wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka cimilada ee Puntland.

Sannad ka hor, 15-kii Febraayo 2018 madaxweynihii hore Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sidaan oo kale magaca uga beddelay, isla waraaddan oo markaas ahayd ” wasaaradda Degaanka,Duurjoogta,Daaqa, iyo Dalxiiska”.

Madaxweyne Gaas wuxuu magaca xilligaas u beddelay, wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka cimilada isagoo soo kordhiyay “Isbeddelka cimilada.

FB_IMG_1550753085927.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Mid kamid ah wasaaradaha Puntland oo magaca laga beddelay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this