Deeq A. Posted February 21, 2019 Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray Boqor Burhaan Boqor Muuse. Boqorka ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno wasiiro xildhibaano iyo odoyaaal dhaqmeedyo. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa garoonka Aadan Cadde, Boqor Burhaan Boqor Muuse ku soo dhoweeyay. Boqor Burhaan oo si kooban wariyaasha u gula hadlay xarunta Vip-da ee Garoonka Aadan cadde ayaa ka mahad celiyay qaabkii quruxda badneyd ee loo soo dhoweeyay. Kulamo ayaa lagu wadaa in Boqor Burhaan uu la qaato madaxda ugu sareeyso dowlada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar cowke Puntland Post Muqdisho The post Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Muqdisho soo gaaray appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites