Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Abiy Ahmed oo dib u billaabay fara-galintii ay Itoobiya ku haysay Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda itoobiya oo 27kii sano ee ugu dambeeyey faragalin cad ku haysay dalka Soomaaliya, ayaa dib u bilowday faragalintii iyo la dagaalankii qaranimada dalka Soomaaliya.

Abiy Ahmed, Raysal Wasaaraha itoobiya wuxuu dhawaan ku dhawaaqay in uu xurmaynayo Madax-banaanida dalka Soomaaliya, uuna quudaraynayo in ay Somalia iyo Itoobiya yeeshaan iskaashi dhanka ganacsiga iyo amniga.

Hadaba, Arintaas waxaa ka baxay Raysal Wasaaraha itoobiya kadib markii uu Dalka Soomaaliya u soo magacaaabay Sadex Safiir oo u kala fadhin doona Hargaysa, Garowe iyo Muqdisho, arintaas ayaa waxay markhaati ka tahay weerarka uu Raysal-wasaare Abiy dib  ugu bilaabay dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Raysal wasaarabe Abiy wuxuu shalay martiqaaday Madaxweynaha Maamulka Somaliland ee dalka Soomaaliya, kaasi oo la sheegay in uu la galay heshiis badda Soomaliya iyo iskaashi deegaanka iyo dalka itoobiya.

Dhanka kale, itoobiya waxay weerar dhul-boob ah ku haysaa Deegaanka Soomaali Galbeed arrintaas oo ilaa iyo hadda wax ka hadlay uusan jirin.

Damaca itoobiya gaar ahaan Qoomiyada Oromo oo ah tan hadda talada dalkaasi haysa ayaa sidii dalka itoobiya loogu heli lahaa deked, taasi oo qorshaha itoobiya uu yahay in marka hore la kala qaybiyo Soomaalida kadibna la taageero qayb-ka mid ah si qaybta itoobiya ay taageerto ay uga hesho dhul-badeed itoobiya ay leedahay.

Madaxweynaha Deegaanka Oromiya oo dhawaan la weydiiyey  Ciidamada badda ee itoobiya, maadaama ayna bad itoobiya lahayn, ayaa ku jawaabay “Yaa og in Mustaqbalka ay Itoobiya bad-yeelan-doonto iyo in kale.

Ugu dambayntii shacabka Soomaaliyeed iyo Dawlada dhexe ee Soomaaliya waxaa la gudboon in ay difaacdaan dalkooda bad iyo barinba weerarka lagu soo qaaday ayna ka gudbaan is-qabqabsiga dhexdooda ah, haddii kale cadow aadan waligaa iska dulqaadi Karin ayaa dalkan la wareegaya.

W/Q: Ahmed Mohamed
ahmedaftaag@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this