Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo shaaciyay Cadadka dhaqaallaha uu Somalia ku maal-galinayo sanadkan 2019-ka   

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka oo shaaciyay Cadadka dhaqaallaha uu Somalia ku maal-galinayo sanadkan 2019-ka

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ku maalgalin doonto boqolaal milyan oo dollar oo loogu tala galay in sare loogu qaado Kabayaasha dhaqaallaha iyo Arrimaha Gargaarka.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaadhan oo dowladda Mareykanka ay ugu tala gashay dalal ay ka mid ah tahay Soomaaliya oo ay ka jiraan dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhanka Ammaanka iyo Xasilooni daro.

War kasoo baxay Waaxda Arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in sidoo kale lacagtaan ay ka qeyb ka tahay la dagaalanka Al-Shabaab.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo USAID waxay ku maal-galin doonaan in ka badan $ 500 milyan  Soomaaliya sanadkan. Taasi waxay ku darsan tahay in ka badan $ 1 bilyan oo ka mid ah gargaarka Qaramada Midoobay. Mid waliba waxan rajeynaynaa in maaliyaddani ay dib u soo celiso barwaaqo iyo xasilooni Soomaaliya”ayaa lagu yidhi Warka kasoo baxay Mareykanka.

Dowladda Mareykanka  ayaa sidoo kale sheegtay in ay hubin doonto halka  ay ku baxayso lacagtaan iyo in ay gaahdo meeshii loogu tala galay.

“Waxaan hubin doonaa in lacagtaan ay marto Waddo sax ah oo keeni karta xasillooni iyo Al-qaacida laga tirtiro geeska Afrika” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Mareykanka.

Horaantii toddobaadkan ayaa sidoo kale Mareykanka waxay shaaciyeen lacag kale oo middan ka baxsan taasi loogu talo-galay in lagu caawiyo shirkadaha yaryar ee Soomaalida, si maal gelin loogu sameeyo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this