Sign in to follow this  
Deeq A.

Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad(SMN)- Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weeraran ku qaadeen saacadihii la soo dhaafay fariisimo ciidanka dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin dhanka galbeed degmada Balcad ee gobolkaasi.

Ilo dadka degaanka ah ayaa shabelle usheegay  in dagaalka uu socday ku dhawaad hal saac isla markaana ay jiraan qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ma jirto wax war oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe iyo saraakiisha amaanka ee dowlada Soomaaliya.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku sheegtay mas’uuliyada weerarkaasi ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

The post Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Balcad appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this