Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkada Spetcrtum Oo War Cusub Ka Soo Saartay Badda Ay Sheeganeyso Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Oslo (SMN)-Hay,adda Spectrum oo dowladda Soomaliya ay u xil saartay baaritaanka shidaalka Soomaliya ayaa beenisay hadalkii kasoo yeeray dowladda Kenya ee ahaa in dowladda soomaaliya ay shirkii London ku iib geysay dhul ay leedahay dowladda Kenya  oo shidaal laga helay.

Madaxweyne ku xigeenka shirkada Spectrum Graham Mayhew ayaa kashaaca ka qaaday in heshiis ay ku galeen in shidaal ay ka baraan kaliya dhulka Somaliya.slamarkaana ay ka fogaadeen dhulka Kenya.

Ku xigeenka madaxweynaha shirkadani arrimaha shidaalka ee fadhigeedu yahay dalka Norway ayaa hoosta ka xariiqay in baaritanadaasi ay kasameeyeen dhul 20,185 km u jira xeebaha maamulka Puntland iyo  Badda dhanka waqooyi uga beegan xadka ay wadaagaan Soomaliya iyo Kenya.

Hadalka shirkada shidaalka Spectrum ayaa imanya xilli dhawaantan ay cirka isku shareertay khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhexeysa dalalka Soomaliya iyo Kenya kadib markii dowladda Kenya ay xukuumadda Soomaliya ku eedeysay in ay xarashaatay xirmooyin shidaal  oo laga helay Badda ay leedahay Soomaaliya oo dowlada Kenya ay sheeganeyso.

Sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid fashilantay madamada shirkadii caalamiga ahayd ee baaritaanka sameysay ay qirtay in ay baaritaan ka sameysay dhulka Soomaaliya.

The post Shirkada Spetcrtum Oo War Cusub Ka Soo Saartay Badda Ay Sheeganeyso Kenya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this