Sign in to follow this  
Deeq A.

Wade Mooto Bajaaj Oo Lagu Dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)- Askari ilaalo ka ahaa isbitaalka ah u geestay mid kamid ahaa dhalinyarada ku shaqeysta moota Bajaajta.

Dilka ayaa ka dhacay afaafka hore ee isbitaalka waxaana dilka uu yimid sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii ka ag dhawaa halka uu falka ka dhacay kadib ciriiri xooggan oo ka dhashay isbitaalka hortiisa ,taas oo keenta in askariga uu rasaas ku furo wadihii Bajaajta oo ugu danbeyn goobta ku geeriyooday.

Saraakiisha Booliska Soomaaliya oo googta ka ag dhawaa ayaa la xaqiijiyay in gudaha isbitaalka ay ka soo qabteen ninka ilaalada ah ee dilka geystay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo wade mooto Bajaaj lagu dilo gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho,waloow inta badan cadaalada la horgeeyo dadka dilalkaasi geysta.

The post Wade Mooto Bajaaj Oo Lagu Dilay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this