Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM Oo Ka Walaacasan Gaarsiinta Saadka Ee Ciidamadeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)- Ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM ayaa ka walaacsan dhibaatooyin ciidamadooda ka haysta is gaarsiinta saadka

Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay uga doodeen sidii xal loogu heli in ciidamadooda ku sugan furuumaha dagaalka loo gaarsiin lahaa sahay ku filan.

Andrew Alele oo ka tirsan saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in caqabad weyn ay ka haysto sidii ciidamadooda ku sugan goobaha dagaalka ay ku gaarsiin lahaayeen shidaal iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah

Waxaana uu intaasi ku daray in haddii aan la helin saad ku fulin ciidamooda ka ag dhaw aagaga dagaalka ay saameyn ku yeelanayso howlgaladooda

Ciidamada AMISOM ayaa waxaa inta badan ay dhibaatooyin ka haysataa qaar ka mid ah wadooyinka deegaanada ay ku sugan yihiin halkaasoo oo ay Al-shabaab ku weeraraan sahayda u socota ciidamada AMISOM.

The post AMISOM Oo Ka Walaacasan Gaarsiinta Saadka Ee Ciidamadeeda appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this