Deeq A. Posted February 21, 2019 Dhuusamareeb (SMN)- Ciidamada amaanka ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulkaasi ay ku qabteen hub loo siday Al-shabaab. Saraakiisha amaanka ee Galmudug ayaa tilmaamay in ay gacanta ku dhigeen hub isugu jiray noocyo fara badan iyo gaarigii waday oo ka yimid sida ay sheegeen magaalada Boosaaso isla markaana ku sii jeeday deegaano ay maamulaan Al-shabaab. Sidoo kale taliska booliiska magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan hubkaasi isla markaana ay warbaahinta la wadaagi doonaan waxa ka soo baxa baaritaankaasi. Sarkaal ka tirsan Booliiska Galmudug oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in hubkaasi loo waday qeybo kamid ah maamulka Galmudug iyo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Ma jiro wax war oo ka soo baxay Al-shabaab oo ku aadan lahaanshaha hubka lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb,sida ay sheegeen ciidamada amaanka Galmudug. The post Maamulka Galmudug Oo Hub Ku Qabtay Dhuusamareeb appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites