Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo Mareykan iyo Soomali ah oo burburiyay fariisimo Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen gudaha deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabeellada hoose.

Al-shabaab ayaa gudaha deegaanka Baladul Amiin waxa ay ku lahaayeen saldhigyo iyo xarumo, waxaana howlgal ku burburiyay ciidamada Danab iyo ciidamada Mareykanka oo is kaashanaya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Danab ayaa sheegay in howlgal xalay saqdii dhaxe ay ciidamada Danab iyo ciidamo Mareykan ah ay ka fuliyeen gudaha deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabeellada hoose.

Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in howlgalka lagu burburiyay saldhigyada Al-shabaab ay ku lahayeen deegaankaas

Sidoo kale waxa ay sheegeen saraakiishu in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgalkaasi.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo Mareykan iyo Soomali ah oo burburiyay fariisimo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this