Deeq A. Posted February 21, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Darawal Mooto Bajaaj ayaa lagu soo waramayaa in goor dhaw lagu dilay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Isgoyska Banaadir, kadib markii askari ka tirsan Ciidanka ilaaliya Isbitaal Banaadir uu xabad ku dhuftay darawalka dhintay. Ninka darawalka ahaa ee dhintay & ninka dilka gaystay ee Isbitaal Banaadir illaalada ka haayay ayaa la sheegay muran inuu soo kala dhex galay, sidaasina uu xabada ugu dhuftay. Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamada Booliska oo ka agdhawaa halkaasi, waxayna soo xireen ninkik dilka darawalka Mooto Bajaajta gaystay. Askarta hubaysan ee qoryaha wata ayaa dilal bareer ah waxa ay u gaystaan wadayaasha Mootooyinka Bajaajta. Dilkaan uu Maanta qofka Shacabka ah uu u geystay mid ka mid ah ilaalada Isbitaalka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Isbitaalkaas ay la wareegtay dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites