Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo shaaciyay dhaqaallaha uu Somalia ku maal-galinayo 2019-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ku maalgalin doonto boqolaal milyan oo dollar oo loogu tala galay in sare loogu qaado Kabayaasha dhaqaallaha iyo Arrimaha Gargaarka.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo dowladda Mareykanka ay ugu tala gashay dalal ay ka mid ah tahay Soomaaliya oo ay ka jiraan dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhanka Ammaanka iyo Xasilooni daro.

War kasoo baxay Waaxda Arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in sidoo kale lacagtaan ay ka qeyb ka tahay la dagaalanka Al-Shabaab.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo USAID waxay ku maal-galin doonaan in ka badan $ 500 milyan  Soomaaliya sanadkan. Taasi waxay ku darsan tahay in ka badan $ 1 bilyan oo ka mid ah gargaarka Qaramada Midoobay. Mid waliba waxan rajeynaynaa in maaliyaddani ay dib u soo celiso barwaaqo iyo xasilooni Soomaaliya”ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Mareykanka.

Dowladda Mareykanka  ayaa sidoo kale sheegtay in ay hubin doonto halka  ay ku baxayso lacagtaan iyo in ay gaarto meeshii loogu tala galay.

“Waxaan hubin doonaa in lacagtaan ay marto Waddo sax ah oo keeni karta xasillooni iyo Al-qaacida laga tirtiro geeska Afrika” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mareykanka.

Horaantii toddobaadkan ayaa sidoo kale Mareykanka waxay shaaciyeen lacag kale oo middan ka baxsan taasi loogu talo-galay in lagu caawiyo shirkadaha yaryar ee Soomaalida, si maal gelin loogu sameeyo. Halkan ka aqriso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this