Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaacisay tirada askarta ay ku dishay weerarkii Itoobiyaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa si buuxda u sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo ciidamada Itoobiya shalay lagula eegtay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegatay in kooxda ay ciidamada Itoobiya la beegsatay qaraxyada xilli ay ka biya dhaansanayeen gudaha magaalada, islamarkaana ay ahaayeen qaraxyo is xig-xigay.

Al-Shabaab ayaa warbaahinteeda ku sheegatay in sagala askari oo Itoobiyaan lagu dilay qaraxyada. Qaraxa koowaad ayay sheegtay inay ku dishay afar askari.

“Markii qaraxa koowaad uu dhacay ayay ciidamo farabadan kusoo xoomeen goobta iyagoo ku mashquulsan daabulidda dhaawacyada iyo meydadka ayuu mar qura qarax kale qabsaday ciidamada Itoobiya waxaana qaraxa dambe ku dhintay 5 askari” Ayaa lagu yiri qoraal ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab.

Toddobaad ka hor ayay aheyd markii sidoo kale weerar is-miidaamin ah lala eegtay Itoobiyaanka ku sugan garoonka diyaaradaha Baardheere.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this