Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad Badan Oo Ku Dhintay Dab Qabsaday Guri Ku Yaalla Dalka Bangladesh

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dhaka)-Dab ka kacay guri ku yaalla qaybta qadiimiga ah ee magaalada Dhaka ayay ku dhinteen ugu yaraan 60 ruux.

105728826_hi052454053.jpg

Dabka ayaa Arbacadii ka kacay dhismo deegaan ah oo qayb ahaan la dhigay waxyaabo kiimiko ah.

Dabka ayaanaa ku faafay dhismayaashii ka ag dhawaa, sida ay tabiyeen warbaahinta gudaha.

Masuuliyiinta ayaa BBC-da u sheegay in subaxnimada Khamiista ay dhimashadu marayso lixdan, balse dabkii la xakameeyay.

Waxaa laga yaabaa in dabku uu markii u horraysay ka billawday gaaska wax lagu karsado, ka hor inta uusan ku sii faafin qaybtii ay kiimikadu taallay, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Cali Axmed oo ah madaxa waaxda dabdamiska.
Dabka ayaa sii qabsaday afar dhisme oo isku xidhiidhsan oo kiimiko taallay, ayuu yidhi.

Dadka ayaa ku xayirmay dhismeyaasha, sida ay wararku sheegayaana waxaa u suuragali wayday in ay holaca ka soo dhex baxaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this