Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay K/Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay waxa ay weerar ku qaadeen xarun ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Waxaa la sheegay in ay rasaas ku fureen dadkii ku sugnaa dukaankaasi, iyadoo halkaasi ku dhintey ganacsade Soomaali ah, mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray.

Muwaadinka dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Yuusuf Sheekh, halka uu dhaawacmay muwaadin kale oo magaciisa naloogu soo koobay C/qaadir.

Raggii weerarka ka dambeeyey ayaa halkaasi isaga baxsaday, iyaga oo sii qaatay lacago iyo agab kale oo dukaanka yaallay.

Booliiska K/afrika oo goobta gaaray waxa uu sheegay iney wadaan baaritaanno, ayna ku raad-joogaan dadkii falkaasi ka dambeeyey.

Dhibaatooyin badan ayeey muwaadiniinta Soomaaliyeed kala kulmaan Koonfur Afrika, mana jirto cid illaa iyo hadda wax ka qabatay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this