Deeq A. Posted February 21, 2019 Muqdisho (SMN) – Howgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dhamaadka bishan Febraayo ay isaga bixi doonaan kuliyada tababarka ee Jaalle Siyaad,isla markaana ay ku wareeji doonaan ciidanka xooga dalka. Wakiilka Midowg Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka oo booqdy xarunta kuliyada Jaalle Siyaad ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ka guuri doonaan xaruntaasi oo ay deganaayeen in ka badan 10 sano. Sidoo kale Francisco Madeira ayaa shaaca ka qaaday in dib u dhis balaaran uu ka socday kuliyada Jaalle Siyaad tan iyo bishii December ee sanadkii la soo dhaafay,si xaruntaasi ay ula wareegaan ciidanka xooga dalka. Mr Madiera ayaa hadalkiisa intaa raaciyay in sidoo kale ciidanka xooga dalka ee dagi doona xaruntaasi ay ku wareejin doonaan agabkii Milatari ee ciidamada AMISOM ay uga howgalayeen xaruntaasi. Wasiiru dowlaha wasaarada gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa AMISOM uga mahad celiyay dedaalada joogtada ah ay ku bixinayaan nabadeynta Soomaaliya iyo taageerada ay siiyaan ciidanka dowlada Soomaaliya. Marka laga soo tago Kuliyada Jaalle Siyaad Waxay AMISOM horay uga bexeen xaruntii jaamacada umadda Soomaaliyeed iyo garoonka kubada cagta ee Muqdisho Stadium oo ay baneeyeen bishii August ee sanadkii la soo dhaafay. The post AMISOM Oo Ka Bexeysa Kuliyada Jaalle Siyaad appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites