Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo Ku Sugnaa Xarunta Degmada Baardheere Oo Laga Saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (SMN)- C/qani Maxamed Baroow oo ka mid ah Siyasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo oo la hadlay Idaacada Shabeelle ee Muqdisho ayaa sheegay in Xarunta Degmada Baardheere laga saaray ciidamadii halkaasi ku sugnaa.

Mr Baroow ayaa tilmaamay in arintan ay suuragashay ka gadaal markii  odayaasha dhaqanka ay dedaal dheer ku bixiyeen.

Siyaasigaan oo hadalkiisa sii watay ayaa dhinaca kale beeniyay wararka sheegaya in heshiis rasmi ah laga gaaray xiisad mudooyinkii dambe ka taagneyd degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Magaalada Baardheere ayaa dhawaan waxaa kulan dib u heshiisiin ah uu ku dhexmray  wafdi uu horkacayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan,odayaal dhaqameed iyo masuuliyiin katirsan maamulka degmadaasi.

The post Ciidamo Ku Sugnaa Xarunta Degmada Baardheere Oo Laga Saaray appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this