Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Xoogan Oo Xalay Ka Dhacay Degmada Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (SMN)- Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhex ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weeraran ku qaadeen fariisimo ciidanka dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin dhanka galbeed degmada Balcad ee gobolkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu socday ku dhawaad hal saac isla markaana ay jiraan qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo dagaalkaasi ka dhashay oo xalay ka dhacay duleedka degmada Balcad.

Inkastoo aan la ogeen qaasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay,hadana maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe iyo saraakiisha amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaan ka hadlin weerarkaasi.

Dhankooda Al-shabaab ayaan faahfaahin ka bixin weerarkaasi,balse ilo deegaanka ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa Shabeelle u xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi.

The post Dagaal Xoogan Oo Xalay Ka Dhacay Degmada Balcad appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this