Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Amniga Oo Istanbul Uga qeyb Galay Shir Caalami Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Istanbul (SMN)- Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka furmay shirkii Lixaad ee  muhaajirinta kaas oo ay ka soo qeyb galeen wasiirada arimaha gudaha ee 47 dal,iyadoo Soomaaliya uu ku matalayo wafdi uu hoggaaminayo Wasirka  Amniga XFS Mudane  Maxamed Abuukar Islow(Ducaale)

Wasiirka amniga XFS mudane Maxamed Abuukar Isloow(Ducaale) ayaa ka hadlay shirka isagoo u mahad-celiyay dowlada Turkiga oo marti galisay shirkan iyo mas’uuliyiintii shirka ka soo qeyb gashay wuxuuna sheegay in dalka Turkiga uu Marti galiyay Qaxooti badan iyo Arday wax ka Barta Dalka Turkiga.

Shirka ayaa ah mid ay dowlada Turkiga marti galisay iyadoona uu casho soo dhaweyn ah u sameeyay madaxwaynaha dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan wafuudii shirka ka soo qeybgalay isagoo ka warbixiyay sidii ay u soo dhaweeyeen dadkii qaxootiga ee ka yimid Suuriya ,Yeman  iyo kuwa kale ee ka kala yimid wadamada dariska la ah dalkiisa Turkiga.

Wafdiga Wasiirka amniga Waxaa kamid ah  Aagaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)  iyo Safiir ku xigeenka ahna Qunsulka koowaad ee Safaaradda mudane Bishaar Ibraahin Cali (Ugaaska).

Shirkan oo socon doono laba maalmood ayaa gabagabadiisa laga  soo saari doonaa war murtiyeed ku aadan arrimaha Qoxootiga iyo sidii xal looga gaari lahaa muhaajiriinta ka soo tagaya dalalkooda.

The post Wasiirka Amniga Oo Istanbul Uga qeyb Galay Shir Caalami Ah appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this