Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF iyo ajaaniib weerar culus ka fuliyay gobolka Shabellaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Baladul amiin ee duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ajaaniib ah iyo kuwa dowladda ay weerareen deegaankaasi.

Ciidamada Kumaandooska dowladda ayaa la sheegay inay labo diyaaradood ay ku tageen deegaanka, iyaga kadib weerar dhanka dhulka ay ku qaaday saldhigyada ciidamada Al Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada DANAB ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid qorsheysan ay qeyb ka ahaayeen ciidamo ajaaniib ah, waxaana lala eegtay saldhiga ciidamada Al Shabaab ee deegaanka Baladul amiin.

Lama shaacin ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarka qorsheysan oo ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Cadaanka ah, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in weerarka xalay uu ahaa mid xoogan.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya deegaanka ayaa sheegaya in weerarka kadib duqeyn ay ka dhacday deegaanka, waxaana la maqlayay dhawaqa duqeynta lala eegtay Al Shabaab.

Al Shabaab wali kama aysan hadlin weerarkan, waxaana adag in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka dhulka ah iyo duqeynta ka dhacay duleedka degmada Afgooye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this