Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Loolan ka dhex socda Cawad iyo Khayr iyo Cawad oo amar soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Loolan u dhaxeeya wasiirka arrimaha dibeddda Soomaaliya iyo wasiiru dowlaha ayaa ka dhex socda xarunta wasaaradda, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Loolankan u dhaxeeya Axmed Ciise Cawad iyo Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, ayaa salka ku haya magacaabista shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibedda iyo diblomaasiyiinta Soomaaliya ee ka howl-galaya safaaradaha Soomaaliya ee dunida.

Wasiirka arrimaha dibedda, Axmed Ciise Cawad ayaa la sheegay inuu ka carrooday xilal dhowr ah oo shaqaalaha wasaaradda ah iyo diblomaasiyiin sida qunsul iyo xigahayayaal safaaradeed oo Khayr uu magacaabay, isaga oo aan la socodsiin wasiirka.

Cawad ayaa kadib soo saaray warqad ay heshay Caasimada Online oo ku saxiixan 3-da Febraayo, oo uu ku amrayo inaan la magacaabin karin xil ama la qorin karin shaqaale, islamarkaana awooddaas uu isaga kaliya leeyahay.

Warqadda Cawad ayaa loo diray wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo guddiga rayidka ah ee shaqaalaha, waxaana la ogeysiiyey wasiiru dowlaha iyo safaaradaha Soomaaliya ee caalamka.

Xog kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in arrintan aysan ka marneyn xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Cawad ayaad aad ugu dhow madaxweynaha, halka Khayr uu ku xiran yahay ra’iisul wasaare Kheyre.

Hoos ka arag warqadda kasoo baxday Cawad

Ministerail-Degree-1.jpg 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this