Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Gaari Puntland ka yimid oo basaas badan u waday Shabab oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen agab ciidan iyo rasaas la sheegay in loo waday Al Shabaab, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada Galmudug ee kusugan magaalada Dhuusomareeb.

Ciidamada amaanka ee magaalada Dhuusamareeb ayaa soo bandhigay rasaastaasi la sheegay inay u socotay Al Shabaab, waxaana lagu qabtay gaari Homey ah.

Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in hubkaan uu saarnaa gaari Caasi ah oo ka yimid dhanka Gobolka Bari uuna ku siijeeday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, ayna gacanta ku hayaan hubkii iyo gaarigii uu saarnaa.

Ciidamada amaanka ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan wadaha gaariga caasiga ah ee oo ka yimid dhanka gobolka Bari, waxaana la ogeyn halka uu u socday gaariga hubka waday.

Saraakiisha ciidamada amaanka iyo taliska Nabad Sugidda ayaa sheegay in dhawaan ay xog badan ka bixin doonaan gaariga ay qabteen iyo halka uu ku wajahnaa.

52410540_659997084458409_666427930898438 52696114_659997134458404_538901930308324 52845299_659997107791740_274575640889602 52948729_659997164458401_397422402171253

Caasimada online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this