Deeq A. Posted February 21, 2019 Washington (SMN) Taliyaha howgalka Africom ee Mareykanka uu ka wado qaarada Africa General Thomas Weldhauser oo magaalada Munich ee dalka Jarmalka uga qeyb galayay shir looga hadlayay amaanka ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu dhimi doono ciidamada ka jooga dalal dhaca qaarada Africa oo Soomaaliya ay kamid tahay. General Thomas Weldhauser ayaa sheegay in 10 boqolkiiba ay dhimi doonaan ciidamada ka jooga Africa gaar ahaan Soomaaliya,sababo la xiriira caqabado dhanka amaanka oo xukuumada Washington uga imaanaya meelo ka baxsan qaarada Africa. Mareykanka ayaa dalal ay kamid tahay Soomaaliya oo Africa ku yaalla waxaa ka jooga ku dhawaad 6 kun oo ciidamo ah,kuwaas oo Milatariga dalalka ay joogaan ka caawiya la dagaalanka argagixisada iyo tababarka. Taliska Africom ee Mareykanka ayaa sheegay in dhaqaalo badan uu ku bixiyo dalalka uu ka howgalo ee qaarada Africa oo ay kamidyihiin Soomaalya iyo Nigeria,halkaas oo ay kula dagaalamaan Al-shabaab iyo ururka Bokoharaam oo dagaal xoogan kula jira dowladaha dalalkaasi. Taliyaha howgalka Africom ee Mareykanka ayaa tilmaamay in laba qaab loo dhimi ciidamada dalkaasi ka jooga qaarada Africa,qeybta koowaad ayaa 600 askari laga dhimi doonaan howgalka Mareykanka ee Africa marka la gaaro bisha June sanadka 2020 halka qeybta labaad la dhimi doono bisha January ee sanadka 2022. Hadalka ka soo yeeray Mareykanka ayaa imaanaya xili dowlada Shiinaha ay kordhineyso ciidamada ka jooga qaarada Africa ee qeybta ka ah howgalka nabad ilaalinta QM ee ka soconaya dalal badan oo k yaalla qaarada Africa. The post Mareykanka Oo Dhimaya Ciidamada Ka Jooga Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites