Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladnimada iyo dadka hoggaamiya maxaa la isugu khaldayaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Warqado been abuur ah, sawirro lasoo farsameeyay iyo muuqaalo lasoo jarjaray, kuwaasoo aan sal iyo raad toona laheyn waxaad maalin walba ugu imaaneysaa baraha bulshada, gaar ahaan Facebook. Qaar ka daba taga beentaas iyo kuwo ku kadsooma ayey dadki wada noqdeen.

Waxaanse is weydiiyay, dadka howshaan qabanaya, miyaanay diin iyo damiir celiya laheyn?

Inta badan, adduunka dadka howlaha been abuurka sameeya, waa kuwo dhaqaalo ka sameeya amaba sidaas lagu shaqaaleysiiyay, laakin midkan Soomaaliga ah isagoon haba yaraatee wax faa’ido ah ugu jirin ayuu amin iyo enerjiba ayaan walbaku bixinayaa.

Waxaa maalmahan leysla dhexmarayay baraha bulshada sawir madaxweyne Farmaajo oo hab maamuus sare loogu soo dhaweeyay magaalada Bujanbura ee dalka Burundi, isagoo matalaya qaranka Soomaaliyeed. Bedelkii la bogaadin lahaa laguna faani lahaa, diin iyo damiir kuwo aan u nisbeyn karin baa sawirka madaxweynaha intay farsameeyeen sifo xun ku sheegeen, si kale, waxay madaxweynaha u muuq ekeysiiyeen inuu u rukuucayo ciidamada gaarka ee qaabilsanaa soo dhaweyntiisa. Bal Dameeroo geeso leh intee laga geli lahaa. ”Dadka sidaa yeelaya, oo awood intaa ka badan lahaan lahaa, bal maxay sameyn lahaayeen?” ayaan is weydiiyay.

thumbnail_52476582_2067395816675986_4220

Been iyo run kala raad la’e, mahadi ha gaartee, taageerayaaasha Nabad iyo Nolol oo aalaaba geed dheer iyo mid gaabanba u fuula, inay fashiliyaan fowda kasta, oo lala damco muumuuska iyo maqaamka dowladnimada ayaa dadaalkooda ka dhigay hal bacaad lagu lisay.

Madaxda dowladda waa ASTAANTA qaranka soomaaliyeed, waxayna metelaan shacabka. In la ceebeeyaa oo lagu been abuurtaa waxay ka dhigantahay inaad qaranka iyo dowladnimada ceebeysay. Iyagu berri wey tagayaan, laakin qaranka iyo dowladnimada baaqi ayey ahaan doonnaan.

Waxaa jiri kara arrimo badan oo lagu naqdin karo madaxda dowladda xagga siyaasadda, laakin maxay micno ah ayey sameyneysaa in shaqsiyadooda lagu been abuurto, tiiyoo ay dheertahay in madaxda meel kasta ay tagaan metelaan magaca qaranka Soomaaliya. Ma filayo waxaan ka aheyn carro Ilaahey iyo cadaab aakhiro in laga dhaxlayo.

Ugu danbeyn, qolooyinka howlahaas caadeystay waxaan leeyahay, bil saddex reerkana way kaa kaxeysaa reer kalena kuma geyso, si kale kuma garatide, ficilka iyo fiirooyinka ceynkaas ah adduunyana waxba idnkama tarto aakhirana cadaab mooyee.  Ilaaheyna wuxuu Qur’aanka inoogu caddeeyay, kuwa been abuurka sameeeya inay qiyaamaha CADAAB dulleeya la kulmi doonaan. Waxaa kaloo ayaan darro ah, afka iyo addinka aad maanta madaxda ku aflagaadeyneysaan in berri la arko idinkoo ku amaanaya.

W/Q  Abdinasir Safaana
Email:  Safaanahaji@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this