Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada askarta Burunid uga dhimatay Somalia oo la shaaciyey mana aamini doont badnaantooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onlkine) – Ciidanka dalka Burundi ee ku jira Howlgalka AMISOM ayaa maanta oo ah 21-ka Febraayo billaabaya in qeyb ka mid ah ay ka baxaan Soomaaliya.

Cidamada Burundi ee ka howlgala Soomaaliya waxaa ay tiradoodu gaareysaa 5,432 Askari, waxaana ay ka midyihiin howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Ciidamada Burundi ee ku geeriyooday howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa tiradooda lagu sheegay 800 ilaa 1,000 Askari sida ka muuqata lacagta magdhowga ah ee Midowga Afrika uu siiyo Waddadama askarta uga dhintaan Soomaaliya.

Wargeyska New Vision ee ka soo baxa Dalka Uganda ayaa sheegay in ciidamada Burundi ee ku geeriyooday Soomaaliya ay tiradoodu tahay 800 ilaa 1,000 Askari, waxaana uu is bar bardhig ku sameeyay lacagta Magdhowga ah ee ay Burundi ka heshay Midowga Afrika,taas oo gaareysa $18 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Ciidamada Burundi ee ku jira Howlgalka AMISOM ayaa 1,000 Askari oo ka mid ah waxaa ay berri billaabayaan in ay ka baxaan Soomaaliya,waxaana ay daabuliddooda soconeysaa ilaa 26ka Bishan.

Magacyada Askarta baxeysa ayey Burundi u gudbisay Midowga Afrika,waxaana sida qorshuhu yahay Ciidanka Burundi qeybta baxeysaa loo qabtay in ay Soomaaliya uga baxaan 28ka Bishan iyada oo la doonayo in labo maalmood ka hor waqtigaas ay isaga baxaan Soomaaliya.

Ciidamada ka socda Dalka Burundi waxaa ay ka howlgalaan Gobolka Shabeellaha dhexe oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.

Ciidanka Burundi waxaa ay Soomaaliya qeybtii ugu horreysay soo caga dhigatay Bishii November ee sanadkii 2007dii,waxaana ka soo horreeyay kaliya dalka Uganda oo ay ciidankiisa ku jira AMISOM soo galeen Soomaaliya Bishii March 2007dii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this