Sign in to follow this  
Deeq A.

“Ka sokow badda, khilaafka waxaa qeyb ka ah arrin la xiriirta siyaasadda DF ee arrimaha dibedda”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga oo wareysi gaar ah siiyay Horseed media ayaa sheegay in khilaafka diblomaasiyadeed ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya ay keeneen siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo uu sida uu sheegay horey u galay heshiiyo qarsoodi ah oo ay dowladda kenya loogu saxiixay qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

Siyaasiga aya sdoo kale sheegay in ay jiraan arimo siyaasadeed oo uu salka ku haya khilaafka dibomaasiyadeed sida siyaasadda arimaha dibadda ee ay garwadeenka ka tahay Dowlada federaalka isagoona sheegay in Kenya ay u cuntami weyday barnaamijka siyaasadda arimaha dibadda ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay hadii ay jiraan qorshayaal kale oo Kenya ka damacsan tahay xiisadda diblomaasiyadda ee ay kicisay ayuu sheegay siyaasi Daahir Ciiro in hubanti ah tahay in dalalka geeska Afrika oo ay Kenya ku jirto aysan diyaar u ahayn Soomaaliya oo lasoo baxda kheyraadkeeda inkastoo uu dhaliilay hanaanka siyaasadda arimaha dibadda ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn siyaasi Daahir Cabduqaadir Ciiro ayaa sheegay in xalka kaliya ee lagu wajahi karo arimahan nooca oo kale ah uu yahay qorshe cad oo ay yeelato dowladda Federaalka ayna ku garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay kiiska dacwadda ee ah yeela Maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ.

Si kastaba ha ahaatee waxaa weli taagan xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyadoo aysan jiran wadahadal lagusoo afjjarayo xiisaddan soo kala dhex gashay dowladahan deriska ah.

Wareysiga Siyaasi Daahir CIIRO

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Wareysi-Daahir-Ciiro.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this