Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay kulan ay yeesheen Abiy iyo Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15506948399791787.jpg?w=1000&ssl=Abiy iyo Muuse

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay kulan ay Addis Ababa ku yeesheen Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Qoraalka oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa u qornaa sidan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.

DHAMMAAD

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay kulan ay yeesheen Abiy iyo Muuse Biixi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this